Dadka ka waaweyn 70jirka iyo dadka kale ee khatarta ku jira

Dadka qaar haddii covid-19 la qaadsiiyo waxay isku arkaan calaamo cudur oo adadag. Waa kuwan talooyin ku socda dadka da’da ah iyo dadka ka tirsan kooxaha khatarta ku jira, talooyinkaas oo ku aaddan faafitaanka cudurka, taageerada la heli karo iyo xuquuqdaada daryeelka caafimaadka- iyo bukaanka.
Uppdaterades

ID4

Kooxaha khatartta ku jira

Dadka qaar haddii uu dhacyo covid-19 waxay yeelan karaan calaamado cudur oo ad-adag, gaar ahaan caabuqa sambabaha iyo neefsashada oo ku adkaata. Maadaama uu cudurku cusubyahay lama hayo aqoon dhan walba dabooleysa oo ku aaddan kooxaha khatarta dheeriga ah ugu jira in ay aad ugu xanuunsadaan.

ID69

70 jir iyo ka badan

In aad loo xanuunsado khatarteedu tartiib-tartiib ayey u sii kordheysaa mar kasta oo ay qofka da’diisu sii weynaataba. Khatarta in raggu ay aad ugu xanuunsadaan cudurka una dhintaan wey ku labalaabantaa qiyaas ahaan tan dumarka. Waxaa intaas dheer in haddii uu ninku qabyo wax ka mid ah waxyaabaha soo socda ay khatartu ay sii kordheyso mar kale. Midba midka uu liiska uga sarreeyo waa uu ka khatar badanyahay.  

  • Xubin ku tallaalid.
  • Cudurrada kansarka dhiigga, mid iminka jira iyo mid hore.
  • Cudurro dareemayaasha la xiriira (tusaale ahaan MS, Parkinson, Myastenia gravis).
  • Buurnaan (mar kasta oo uu qofku sii buurnaadaba waa ay sii kordheysaa khatartu).
  • Kaadi macaan (khatartu waa ay yartahay haddii si fiican loo daweeyo).
  • Kansar daweyn iminka socota.
  • Cudur xagga sambabaha ah oo joogto ah (neefta waa ay ku jirtaa, laakin haddii si fiican loo daweeyo aadbey khatartu u yartahay).
  • Faallig/kharaf.
  • Cudur ama daweyn kale oo xannibeysa difaaca jirka.
  • Xanuun xagga baarka ah.
  • Shaqada keliyaha oo hooseysa.
  • Cudur xagga wadnaha- iyo xididdada ah.
  • Down syndrom

ID31

Daryeel raadso haddii aad u baahantihid caawimaad degdeg ah


Waa muhiim in qofki daryeel caafimaad u baahan, xaalad adag oo degdeg ah awgeed, uusan in uu caawimaad raadsado isaga deynin baqdin uu ka qabyo covid-19 awgeed. Haddii ay jirto xaalad degdeg ah, wac 112. Haddii aad su’aalo ka qabtid xaalad iyo daryeel caafimaad oo aan degdeg ahayn, wac 1177. Waxay ku jawaabayaan Iswiidhish iyo Ingiriis. Iyadoo ku xiran meesha aad deggantihid waxaa jiri karta fursad ah in aad xitaa luqad kale ku hadashid. Caawimaad weydiiso qof qaraabo ah ama saaxiib ah haddii aadan adigu wici karin.

ID32

Hel caawimaad iyo taageero

  • Haddii aad u baahantihid in lagaa caawiyo cunto soo iibsasho ama dawo soo qaadasho waxaad la xiriireysaa degmadaada. Kala bar oo bar degmooyinku waxay iskaashi la leeyihiin Kooxo keyd ah oo iskood isu xilqaamay oo ka kooban ururro difaac oo iskood isu xilqaamay oo degmooyinka ka caawiya in ay u soo adeegaan kooxaha khatarta ku jira.
  • Degmooyinka aysan ka jirin kooxo keyd ah oo iskood isu xilqaamay waxaa ka jira xal degdeg ah, halkaas oo Laan-qeyrta cas, Badbaadi carruurta, Urur diimeedka masiixiga ee magaalada, Kaniisadda Iswiidhishka iyo Ururka qaranka ee isboortigu ay wax caawin kara. Dhawr degmo waxay hayaan xal kale. Wac ama e-mail u dir degmadaada si aad wax dheeraad ah uga ogaatid sida aad caawimaad ku heli kartid. Haddii aadan Iswiidhish ama Ingiriis dad kula xiriiri karin, qof qaraabo ama saaxib ah ha kaa caawiyo in aad la xiriirtid.
  • Waxaa leesku qori karaa hawlsha uu billawyay ururka kireystayaashu ee Deris wanaagsan haddii uu qofku u baahanyahay in tusaale ahaan laga caawiyo cunto soo iibsasho, ey dibad u bixin, dawo iyo baakad soo qaadasho iyo wax la mid ah. Haddii aadan Iswiidhish ama Ingiriis dad kula xiriiri karin, qof qaraabo ama saaxib ah ha kaa caawiyo in aad la xiriirtid.
  • Bogga intarneetka ee Uppdragpsykiskhälsa ayaad ka heleysaa macluumaad la ururiyay oo ku aaddan taageerada iyo kheyraadka loogu tala galay dadka da’da ah. Boggu waa af-Iswiidhish.

ID33

Xuquuqdaada daryeelka caafimaadka

  • Bogga 1177.se ayaad ka akhrisan kartaa sida aad daryeel caafimaad u raadsaneysid, xeerarka ama sharciyada shaqeynaya, lacagaha ay tahay in aad khidmo ahaan u bixisid iyo xuquuqda aad leedihid kuwa ay yihiin.
  • Haddii aadan daryeelka ku qanacsaneyn waxaad marka hore la xiriireysaa rugta qaabilaadda ee aad xiriirka la lahayd. Waxaa intaas dheer in uu gobal walba ka jiryo guddi bukaan oo ku caawinaya haddii aadan ku qanacsaneyn daryeelka. Guddiga bukaanku wuxuu tusaale ahaan kaa caawin karyaa in aad la xiriirtid shaqaalaha laamaha caafimaadka ee mas’uuliyadda leh. Si aad wax dheeraad ah u ogaatid la xiriir gobalkaaga.

ID10

Booqashada guryaha dadka waayeelka

Waxay Folkhälsomyndigheten mamnuuci kartaa booqashooyinka guryaha hoyga gaarka ah ee waayeelka. Waxay taasi shaqeynaysaa ilaa 31 maayo 2021.

La xiriir guriga waayeelka ee ay khuseyso si aad ugu ogaato waxa booqashooyinka khuseeya. Qofka waxqabad wada ayaa mas'uul ka ah inuu hubiyo inaanu fayrusku soo galin oo uuna dadka degan iyo shaqaalaha ku faafin. Dadka qaraabada iyo dadka degan ayay sidoo kale mas'uuliyada ka saran tahay si loogu xadido faafitaanka fayruska.

Folkhälsomyndigheten waxyaalaha ku saabsan si looga hortago faafitaanka marka la booqanaayo guryaha dadka waayeelka

(boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

ID6

Uurka leh

Ilmahu waxa uu qaadi karaa covid-19 laakiin waxay u muuqataa inay aad u yar tahay in dhalaanka iyo carruurta yaryar ay u keento calaamado khatar ah. Sidaas darteed ayaan carruurta caafimaadka qabta loogu baahneyn in laga qaado/kaxeeyo hooyada markay umusho ka dib.

Daraasadaha cusub ayaa muujinaysa in haweenka uurka lihi ay leeyihiin khatar ka badan oo ay covid-19 si xun ugu xanuunsanayaan, taas oo noqon karta khatar ka sii sareysa oo keenta in ilmuhu uu xili hore soo dhasho iyo carqaladaha kale ee khatarta ah. Sidaas awgeed ayay Folkhälsomyndigheten ugu rabtaa inay ka sii adkeyso oo ay ugu soo celceliso talooyinkeeda ay soo jeedinayso ee ah in haweenka uurka leh ay qaar aad uga taxadira ahaadaan. Waxay taasi khuseysaa haweenka ku jira todobaadka 20-36 ee uurka. Khatarta uu xanuun xun ugu imaanaayo ayaa ka sii kordheysa markay waheliyaan xaaladaha khatarta ee kale sida tusaale ahaan dhiig karka, sonkorowga/macaanka iyo baruurta/cayilka.

Dhammaan haweenka uurka lehi waa inay aad uga taxadiraan inay raacaan talooyinka la soo jeediyey ee ku saabsan in masaafad la isku jirsado, aad loo ilaaliyo nadaafadda gacmaha, iyo sidoo kale in lagana la iska ilaaliyo xiriirada bulshada ee ka baxsan koox yar oo la iska ilaaliyo saxmad/ciriiri badan.

Waxa kaloo ay Folkhälsomyndigheten rabtaa inay haweenka uurka leh ku dhiirrigeliso inay iska tallaalaan hargab xiliyeedka caadiga ah. Waxa sidoo kale muhiim ah in la iska ilaaliyo in infegshanka la qaado foosha ka hor. Caabuq hawo mareenka oo kug dhaca dhamaadka uurka ayaa khatar keeni kara.

Waxa ay Folkhälsomyndigheten guud ahaan ku talobixninaysaa inaan haweenka uurka lehi iska talaalin covid-19, laakiin haweenka uurka leh ee ka tirsan kooxaha khatarta ugu jira ayaa lagu tallaali karaa tallaalka mRNA inta lagu jiro wajiga 3. Taasi waxay khuseysaa markay haweeneydu leedahay xaalad ama jiro/cudurro laga yaabo inay ku keenaan khatar sii kordheysa oo covid-19 aad loogu xanuunsanaayo, tusaale ahaan, ka weyn tahay 35 jir ama BMI-gu ka sareeyo 30.

Wax dheeraad ah ka akhriso cunsurka halista ee kuu keeni kara khatar sii kordheysa oo uu covid-19 xun kuugu dhacaayo Folkhälsomyndighetens webbplats. (Boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Haweenka uurka leh iyo covid-19 dhanka goobta shaqada

Haweenka uurka leh maaha in loo dhiibo hawlo shaqo oo micnaheedu tahay in ay hor wajahaan faaryaska koroona ee cusub.  Shaqaalaha uurka leh maaha inay ka shaqeeyaan daweynta ama daryeelida bukaan socodka ama dad daryeel la siiyo oo la hubo inay leeyihiin caabuqa covid-19.  Tani waxaa sabab u ah khataraha gaarka ah ee lagu xiriirin karo qofka uurka leh.  Mabda’aa taxadarka waa inuu shaqeeyo, micnihii in talaabooyin ilaalin ah oo dhowr ah la qaado intii kuwa yar la qaadi lahaa.

ID81

Lacag bukaan oo ka hortag ah

Kooxaha khatarta ku jira qaarkood si gaar ah ayey ugu jiraan khatar ah in ay aad ugu xanuunsadaan covid-19, sidaas darteed waxay si ka hortegid ah xaq ugu leeyihiin lacag bukaan si ay uga fogaadaan in la qaadsiiyo cudurka.

Waxaad lacagtaas qaadan kartaa haddii aad:

  • shaqo heysatid laakin aad qabtid cudur keenaya in aad si aad ah u xanuunsatid haddii uu kugu dhacyo covid-19, aadanna
  • heysan fursad aad guriga uga soo shaqeyn kartid, shaqabixiyuhuna uusan ku siin karin hawlo kale oo shaqo oo shaqadaada ku jira, ama aan xaaladda shaqada ee goobta shaqada la waafajin karin duruufahaaga si looga fogaado faafitaanka cudurka,
  • heysatid caddeyn dhakhtar oo xaqiijineysa in aad ka tirsantihid koox khatar ugu jirta covid-19.

Macluumaadka Hey’adda caafimaadka bulshada ee ku aaddan shuruudaha lagu qaadan karo lacagta bukaanka ee ka hortagga ah (boggu waa af-Iswiidhish)