Xadeyn iyo mamnuucid

Halkan waxaad ka heleysaa waxyaabo la ururiyay oo ku aaddan xadeynta iyo mamnuucidda laga dhaqangeliyay Iswiidhan, feyruska corona awgiis.
Uppdaterades

ID98

Talaabooyin iyadoo xeerka cudurka aafada la isticmaalaayo

Laga bilaabo Sibtembar 2021 waxa shaqeyn doona sharci cudurka aafada oo ku meel gaar ah. Waxay micnaheedu tahay in waxqabadyada qaarkood oo aanay khuseynin/dabooleynin sharci dejinta xakameynta cudurka aafada la xiri karo ama la xaddidi karo.

Xukuumadu waxay soo rogtey xayiraado dhowr ah iyadoo la kaashanaayo sharciga cudurka aafada.

Ilaa iyo muddo aan cayimneyn waa inaan wax ka badan sideed qof ay ka qeybqaataan isku imaadyada/isku ururida dadweynaha iyo kulamada guud. Booliisku ayaa baajin kara ama kala diri kara kulamada guud ee ay joogaan wax ka badan 8 ka qeybqaate.

Haddii isku imaadyada gaar lagu qabto lookaal xafladaha, lookaalada jaaliyadaha/ururada iyo goobaha kale ee la kireysto, waa in ugu badnaan sideed qof ay ka qeybqaataan.

Waxa taas ka reeban aaska, oo ay joogi karaan ilaa iyo 20 ka qeybqaate.

Haddii aad abaabulayso/qabanqaabinayso kulan jabinaaya mamnuucida ayaa lagugu xukumi karaa ganaax ama xabsi kaas oo ugu badnaan lix bilood ah.

Dukaamada waawayn, dukaamada, barkadaha dabaasha, jiimka iyo hoolalka isboortiga

Tirada ugu badan ee iskugeynta aaga meheradda waa inaanu marka ka badanaan 500 oo qof. 

Dukaamada waawayn iyo dukaamada ayaa qaadi doonta talaabooyinka ku haboon in loogu hubiyo in dadku ay qofqof waxqabadyada ugu soo booqdaan iyagoo aanay cidi la socon. Jiimka, barkadaha dabaasha iyo hoolalku waa inay tiriyaan tirada dadka soo booqanaaya si uu qof kastaa toban mitir oo laba jibbaaran ugu helo. Waa in waxqabadyadu ay leeyihiin calaamado si cad dadka soo booqdayaasha ah ugu muujineysa inta qof ee loo oggol yahay inay qolka ku jiraan isla hal waqti.

Waxa uu Länsstyrelsen u xilsaaran yahay in la hubiyo in xeerarka la raaco.

Waxyaalo la isku soo ururiyey oo dharciyada cudurka faafa ayaa ku jira  bogga internetka ee Länsstyrelsen Dalarnas . (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Kulan dadweyne

Kulan dadweyne micnahiisu waa:

  • kulamada ah mudaharaadyo ama sideedaba loo qabto in lagu wada-xaajoodo, lagu cabiro fikradaha ama soo bandhigid guud ama arrimo gaar ah
  • muxaadarooyinka iyo casharo la jeedinayo kuwaas oo loo qabtay waxbarasho ahaan ama loogu talogalay soo gudbin fikrado guud ama muwaadin ahaan
  • kulamada loo qabto diin ahaan
  • soo bandhigyada masrax, bandhigyada shaneemo, bandhig heeso iyo kulamada kale ee loogu talogalay in lagu soo gudbiyo alaab farshaxan ah
  • kulamada kale ee xoriyada kulanka lagu dhaqmayo

Xaflad dadweyne

Xaflad dadweyne micnaheedu waa:

  • tartamada iyo soo bandhigyada isboortiga, ciyaaraha iyo duulista
  • bandhigyada dhaansiga
  • bandhigyada qalaamaa rogadka kolba meel taga iyo xaflad
  • suuqyada iyo carwooyinka
  • kulamada xafladaha kale ee aan loo arkin kulamo dadweyne ama bandhigyada qalaamaa rogadka kolba meel taga

Iskoolada, gaadiidka dadweynaha, munaasabadaha shakhsiga ah iyo booqashada dukaamada ma ku jirto arimahaas.

Waxyaabaha ka reeban ee xafladaha/munaasabadaha- dhaqanka iyo isboortiga

Laga soo bilaabo 1 noofembar ayay xafladaha dhaqanka iyo isboortiga lahaan karaan dadweyne daawanaaya oo fadhiya oo ugu badnaana 300 oo qof ah.

Si ay xaflad/munaasabad ugu hesho 300 oo ka qeybqaatayaal ah, waa in qof kasta oo ka mid ah dadweyneha daawanaaya uu haystaa kursi uu ku fadhiisto isagoo ugu yaraan hal mitir u jira ka qeybqaataha kale. Laba qof oo iyagu wada socda ayaa dabcan laga yaabaa in la geeyo meel ka dhow hal mitir.

Waxay dhammaan maamulada goboladu ay hase yeeshee doorteen inay dhacdooyinka noocan ah ugu badnaan 8 qof  ku xadidaan.

ID130

Kulamada sannadeedyada iyo shirweynayaasha qaranka ee inta lagu gudojiro cudurka aafada

Waxa ururada lagula talinayaa inay kulamada sannadeedyada iyo shirweynayaasha qaranka dib u dhigaan ama ay dhijitaal ahaa ku qabtaan. Shirkadaha saamiyada laysku darsaday iyo ururada dhaqaalahu ayaa isticmaali kara wakiillada iyo boostada ku codeynta, sida waafaqsan sharci kumeelgaar ah. Halkan ayaanu ku soo ururinay macluumaad ku saabsan waxyaalaha khuseeya kulamada sannadeedyada iyo shirweynayaasha qaranka ee inta lagu gudojiro cudurka aafada

Sharciga kumeelgaarka ah ee shirkadaha saamiyada laysku darsaday iyo ururada dhaqaalaha

Sida waafaqsan sharci kumeelgaar ah si loogu fududeeyo qabashada shirweynayaasha qaranka ee ururada iyo shirkadaha inta lagu gudojiray cudurka aafada ayaa dhaqan galay Abriil 2020. Waxa uu sharcigu suurtogalinayaa isticmaalka wakiillada iyo boostada ku codeynta.  Waxa ay xukuumadu go'aansatay in sharcigu illaa 31 Diseembar 2021 shaqeeyo. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sharciga ku meel gaarka ah ka akhriso bogga internetka ee Bolagsverket. (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Talobixinta guud ee ku socota ururada iyo shakhsiyada gaarka ah

Sida ku xusan xeerarka iyo talobixinta guud ee Folkhälsomyndigheten, ayay qof kasta mas'uuliyad ka saaran tahay si loogu dhimo khatarta faafitaanka fayruska covid-19.

Urur ahaan waa inaydun:

  • haddii ay suurtogal tahay dib u dhigtaan ama ay dhijitaal ahaa ku qabtaan kulamada sannadeedyada iyo shirweynayaasha qaranka ee ururka.
  • iska ilaalisaan qabashada shirarka kale ama ay dhijitaal ahaan ku sameeyaan

Shakhsi ahaan, waxa waxyaalaha aad sameynayso ka mid ah inaad: 

  • masaafad u jirsato 
  • guriga joogto haddii aad calaamado leedahay.
  • xaddido xiriirada dhow oo kaliya wada joogtaan/la-dhaqanto dadka aad caadi ahaan la kulanto
  • waxa la door bidayaa inaad dibada wada joogtaan

Samee qiimeyn khatarta

In dad badan isla hal meel lagula kulmo ayay taas micnaheedu yahay khatar sii kordheysa oo faatitaanka fayruska ah. Waxay Folkhälsomyndigheten soo saartay aalad qiimeynta khatarta taas oo loogu talogalay in ururada iyo waxqabadyada kale loo isticmaali karro. Waxaad aalada ka helaysaa Bogga internedka ee Folkhälsomyndigheten. (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Shuruucda iyo mamnuucida

Ma jirto wax mamnuucitaan ah oo ku saabsan shirarka ururada sida waafaqsan xeerka cudurada faafa. Waxaana sidoo kale jirin wax mamnuucid ah oo xadideysa tirada ka qeybqaateyaasha haddii kulanka lagu qabto qof gurigiisa ama xadiiqadiisa. Haddii kulanka lagu qabto lookaal la kireysto ama haddii loo arki karo inuu yahay kulan guud ayaanay tirada ka qeybqaateyaashu ka badnaan karin siddeed qof. Si loogu arko inuu kulanku yahay mid guud ayaa loo baahan yahay in dadweynaha loo qabto ama in dadweynuhu helaan fursad ay ku imaanayaan. Wax dheeraad ah oo ku saabsan kulamada guud ka akhri bogga internetka ee booliiska. (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

 ID10

Booqashada guryaha dadka waayeelka

Waxay Folkhälsomyndigheten mamnuuci kartaa booqashooyinka guryaha hoyga gaarka ah ee waayeelka. Waxay taasi shaqeynaysaa ilaa 31 maayo 2021.

La xiriir guriga waayeelka ee ay khuseyso si aad ugu ogaato waxa booqashooyinka khuseeya. Qofka waxqabad wada ayaa mas'uul ka ah inuu hubiyo inaanu fayrusku soo galin oo uuna dadka degan iyo shaqaalaha ku faafin. Dadka qaraabada iyo dadka degan ayay sidoo kale mas'uuliyada ka saran tahay si loogu xadido faafitaanka fayruska.

Folkhälsomyndigheten waxyaalaha ku saabsan si looga hortago faafitaanka marka la booqanaayo guryaha dadka waayeelka

(boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

ID120

Shuruud ah tijaabo negatif ah/inaan la qabin covid-19 oo laga rabo dadka ajaanibka ah.

Muwaadiniinta ajaanibka ah ee 18 sanno jirka ah ama ka weyn waa inay warqad shahaado ah oo natiijo tijaabo muujinaysa inaan la qabin/negatif ah covid-19 tusaan si ay Iswiidhan ugu soo safraaan. Waxa hase yeeshee, jira waxyaabo shuruuda tijaabada ka reeban, (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish) tusaale ahaan muwaadiniinta ajnabiga ah ee Iswiidhan ka diiwaangashan, ama Iswiidhan degan ee haysta sharci deggenaasho ah oo shaqeynaaya, xuquuqda degganaanshaha ama meeqaamka degganaanshaha ah haysta. Shuruuc gaar ah ayaa sidoo kale khuseeya ka soo gelitaanka wadamada ka baxsan Midowga Yurub iyo sidoo kale Boqortooyada Ingiriiska, Danmark iyo Norway, xagga hoos ka fiiri.

Waa inay ugu badnaan 48 saacadood ka soo wareegeen inta u dhaxaysa marka tijaabada lagaa qaaday iyo marka xadka laga gudbaayo. Dadka shaqada maalinkasta ugu safra iyo dadka xadka ka shaqeeya waa inay tusi karaan tijaabo ugu badnaan hal todobaad ah. Waxay xeerarka cusubi kaabayaan xayiraadii soo gelitaanka ee hore ugu jirtay. 

Tijaabooyinka noocan ah ayaa la ogol yahay: Tjaabada Antigen-ka, tijaabada PCR-ka, tijaabada LAMP-ga iyo tijaabada TMA-da.

Macluumaadkaasi waa inuu warqada shahaado ah ku qoran yihiin si ay qaar ansaxsan/shaqeynaaya ugu noqdaan:

  • Magaca qofka tijaabada laga qaadey
  • Xiliga tijaabada la qaaday
  • Nooca tijaabada la qaaday haddii ay tahay tijaabada Antigen-ka, tijaabada PCR-ka, tijaabada LAMP-ga iyo tijaabada TMA-da.
  • Natiijada tijaabada
  • Cidda warqada shahaadada ah bixisay

Waa inuu macluumaadku ku dhigan yahay af Iswiidhish, Ingiriisi, Norwiiji ama Deenish.

Macluumaadka Folkhälsomyndighetens ee ku saabsan shuruuda tijaabada (boggu waxa uu ku qoran yahay Iswiidhish)

ID14

Soo galitaan Midowga Yurub oo laga mamnuucay wadamada ka baxsan  

Xayiraada ayaa saaran safarada aan muhiimka aheyn ee Iswiidhan loogaga imanaayo wadamada ka baxsan Midowga Yurub. Waxay mamnuucidu shaqeynaysaa ilaa 31 Maayo 2021.

Muwaadiniinta Iswiidhishka ah iyo muwaadiniinta dalalka kale oo Midowga Yurub/EES ayaanay khuseynin mamnuucida soo gelitaanku. Muwaadiniinta ka soo jeeda waddan kale ee Midowga Yurub/EES-ta ahi waa inay tusaan tijaabo cadeynaysa inaan covid-19 la qabin oo ugu badanaan 48 saacadood jir ah. Waxa muwaadiniinta Iswiidhishka ah lagula talinayaa inay marka wadanka dibadiisa soo joogeen ka dib ay istijaabiyaan.

Macluumaadka Booliiska ee ku saabsan xayiraada soo gelitaanka iyo waxyaabaha ka reeban (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Su'aalaha iyo jawaabaha Wasaaradda Caddaaladda ee ku saabsan mamnuucida soo gelitaanka ee Midowga Yurub iyo Iswidhan (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Baaritaanka/kantaroolka xadka Iswiidhishka ah ayaa go'aaminaaya sida ka reebanaanta loo turjumaayo iyo noocyada go'aamada la gaaraayo, laakiin waa masuuliyada qofka musaafirka ah inay baaritaanka xadka u cadeeyaan xaqa ay u leeyihiin ka reebanaanta. Waxa sidaas darteed loogu baahan yahay in tusaale ahaan la tusi karo cadeyn shaqo ama warqad laga soo qaatay diiwaanka qaranka. 

Ka imaanshaha wadamada Yurub gudaheeda 

Waxa hadda si ku meel gaadh ah u jirta soo galitaanka Iswiidhan oo laga mamnuucay ka imaanshaha Boqortooyada Ingiriiska, Denmark iyo Norway ee dadka ajaanibka ah.

Laga bilaabo 31 Maarso 2021, ayaa waxa Denmark iyo Noorway khuseeya xeerar la mid ah kuwa dalalka kale ee EES iyadoo Boqortooyada Ingiriiska ay khuseeyaan xeerar la mid ah kuwa waddamada kale ee ka baxsan EES. Qofka Iswiidhan uga soo safraaya waddamada kale ee ka tirsan EES-ta ayaa loo oggolaanayaa inuu soo galo haddii uu tusi karo tijaabada covid-19 oo muujineysa inaan la qabin taas oo 48 saacadood jir ah. Waxa boqortooyada Ingiriiska markaas khuseeya xayiraadda guud ee saaran soo galitaanka waddamada ka baxsan Midowga Yurub/EES.

Haddii aad waddanka dibadiisa joogtey

Waxa wadamo badan ka jira noocyo cusub oo fayruska covid-19 keena. Sidaas darteed ayay Folkhälsomyndigheten ugu soo jeedinaysaa in dhamaan dadka u soo safray Iswiidhan, iyadoo aan loo eegeynin jinsiyadooda, ay markay soo galaan tijaabo iska qaadaan oo ay  toddobada maalmood xiriirada dadka ka fogaadaan. Shan maalmood ka dib marka wadanka dibadiisa laga yimaado waa inay musaafiriintu tijaabo labaad iska qaadaan. Waxay taasi khuseysaa iyadoon aan loo eegin haddi laga mid yahay dadka ay saaran tahay shuruudaha ah in la soo bandhigto tijaabo inaan covid-19 la qabin ka hor intaan la soo gelin iyo haddii kaleba.

  • guriga joogto ugu yaraan toddoba maalmood.
  • iska ilaaliso inaad la xiriiro dadka kale ilaa iyo inta la kari karro.
  • iskugu tijaabi sida ugu dhakhsaha badan ee ka dib markaad Iswiidhan timaado iyadoo aad tijaabo xigta iska qaadayso shan maalmood ka dib.

Sidoo kale dadka qoyska intooda kale waa inay guriga iska joogaan ilaa inta natiijada tijaabada la sugaayo.

Talobixinta Folkhälsomyndigheten ee loo soo jeedinaayo qofka Iswiidhan wadanka dibadiisa uga soo safraaya  (Boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Folkhälsomyndigheten iyo waxyaabaga ku saabsan nooca cusub ee fayruska (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

1177 iyo waxyaalaha tijaabo qaadista ku saabsan  (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

ID30

Goobaha adeega

Dhamaan goobaha adeega/Makhaayadaha waxa saaran mas'uuliyad ay tahay inay qaadaan tallaabooyin loogaga hortagaayo faafitaanka covid-19. Waxyaalaha soo socda ayaa shaqeynaaya:

  • Ugu badnaan afar qof ayay tahay inay miis wada fariistaan. Taasi waxay shaqeynaysaa laga bilaabo taariikhada 24 Diisembar.
  • Goobaha makhaayadaha ee qeybta ka ah xarumaha ganacsiga, ayaa kaliya miiskiiba hal qof uun loo ogol yahay.
  • In la bixiyo cabitaanada khamrada leh iyo cabitaanka laga diyaariyey waxyaalaha khamrada la midka ah ayaa mamnuuc ah laga bilaabo saacada 20.00. Taasi waxay shaqeynaysaa laga bilaabo taariikhada 24 Diisembar.
  • Goobaha adeega/mukhaayadaha waa in ugu danbeyn saacada 20.30 la xidhaa.

Goobaha adeega waa inay sidoo kale:

  • ay hirgeliso tallaabooyin si looga fogaado in saxmad/ciriiri badan dadka dhexdiisa ka yimaado safafka, miisaska, bufeega/cuntada iyo sharaabka miiska weyn laga soo gurto yaala ama miiska baarka.
  • hubiso in soo booqdeyaashu ay ugu yaraan hal mitir ka fogaan karaan dadka kale.
  • kaliya cuntada iyo cabitaan u geeya dadka martida ee fadhiya miiska ama miiska baarka.
  • haddii ay suurtogal tahay martida u ogolaada inay iyagu cuntadooda iyo cabitaankooda dalbadaan oo ay qaataan, ilaa inta aanay taasi keeni karin saxmad/ciriiri badan ama saf.
  • bixinaay fursada gacmaha saabuun iyo biyo loogu dhaqaayo ama bixinaaya isbiirtada gacmaha.
  • ku wargaliyaan soo booqdayaasha sida ay u yarayn karaan halista faafitaanka cudurka.

Kamuunada ayaa mas'uul ka ah kormeerida goobaha adeega. Haddii aad dareemeyso inaan xeerarka la raaceynin ayaad la soo xiriiri kartaa kamuunka ay goobta adeegu ku taalo.