Af dhowre/af gashi

Laga bilaabo 7 Janaayo 2021 ayaa la iskula talinayaa in af dhowre/af gashi la xidhnaado gaadiidka dadweynaha dhexdiisa inta u dhaxeysa saacadaha 7-9 iyo 16-18 ee maalmaha shaqada, wadanka oo dhan. Laakiin wakhtigan hadda la joogo ayaanay Folkhälsomyndigheten soo jeedineynin guud ahaan isticmaalka af dhowre/af gashi ee bulshda dhexdeeda.
Uppdaterades

Gobollo badan ayaa talobixin xirashada af gashiga/af dhowrka leh. Wax dheeraad ah oo waxa shaqeynaaya ku sabsan ka akhri adiga gobolkaaga. (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

ID111

Wax kaliya lagu kaabaayo talobixinta kale

Folkhälsomyndigheten waxa ay u aragtaa in af dhowre/af gashiga mar kasta loo arko inuu yahay wax lagu kaabaayo talaabooyinka kale ee khatarta infegshanka lagu yareynaayo. Taasi waxay khuseysaa in xitaa la raaco talooyinka kale si loo baajiyo faafitaanka covid-19:

  • Guriga joog haddii aad calaamado leedahay.
  • Nadaafadda gacmaha aad u wanaaji.
  • Masaafad u jirso dadka kale meelaha gudaha iyo dibaddaba.

ID110

Sidan ayuu af dhowre/af gashiga u shaqeeyaa

  • Ujeeddada af dhowre/af gashiga laga leeyahay waa in la yareeyo faafitaanka infegshanka ee qofka sida ka soo baxaaya bay'addana ku faafaaya.
  • Waa in kuwaas had iyo jeer loo adeegsadaa iyadoo la raacaayo tilmaamaha isticmaalka ee ku lifaaqan si ay sax ugu shaqeeyaan oo ay sax wax ugu difaacaan/ilaaliyaan.
  • Af dhowre/af gashiga waxa badanaa loogu talogalay in hal mar la isticmaalo iyadoo aan looguna talogalin in dhowr jeer la xidho.
  • Badanaa iyagu waa qaar buluug-cadaan ah, isku laalaaban oo lagu dhajiyo xarko dhegaha lagu soo xirto.
  • Si fiican gacmaha u dhaq ka hor iyo ka dib markaad taabatay af dhowraha/af gashiga.
  • Af dhowraha/af gashiga ha la wadaagin cid kale.

Qalabka Ilaalinta neefsashada

Qalabka ilaalinta neefsashada waxa loogu talogalay inuu ilaaliyo qofka xiran. Qalabka ilaaladu waxa uu leeyahay calaamadda CE-ga ah oo afar lambar agteeda ku yaallo iyagoo kuna calaamadeysan FFP1, FFP2 ama FFP3. Qalabka Ilaalinta neefsashada waxa lagu tiriyaa inuu yahay qalabka ilaalada shaqsi ahaaneed.

Maaskarada wajiga

Wadamo badan oo Midowga Yurub ka tirsan waxay ku talinayaan ama dalbanayaan in guud ahaan la isticmaalo difaac sanka iyo afka daboolaaya. Maaskarada aan calaamada CE-da laheyn ee aan sheegaynin inay qalab caafimaad ama qalab ilaalin shaqsi ahaaneed tahay ayaa ah wax caadi ahaan la helo. Waxa badanaa laga sameeyey maro ama waxyaabo aan dabiici ahayn, laakiin waxay sidoo kale noqon karaan qaar u dhow maaskarada ilaalada caafimaadka oo ka sameysan walax waraaqaha u eg. Waxa ay xaaladaha qaar noqon karaan kuwa loogu talogalay isticmaal guud. Iswiidhan waxay wadamada kale kaga duwan tahay iyadoo aan laheyn sharci alaabta u gaar ah oo loogu talogalay maaskarada noocan ah.

ID109

In la isticmaalo af dhowre/af gashi

Waxa jiri kara xaalado uu af dhowre/af gashigu faa'iido yeelan karo, tusaale ahaan meel ay adag tahay in saxmad/ciriiri badan laga fogaado iyo xiriirka dhow oo muddo dheer socday. Marka aad safrayso ayaa tusaale ahaan ay iman kartaa dalab/shuruud lagugu qasbaayo inaad af dhowre/af gashi xirnaato, tusaale ahaan garoomada diyaaradaha iyo diyaaradaha dhexdooda.

Markaad af dhowre/af gashi isticmaaleyso waa inaad haysato af dhowre/af gashi tayo wanaagsan leh, waxa loola jeedaa kuwa sumadda CE-ga leh. Waxa sidoo kale muhiim ah inaad si sax u isticmaasho.

Macluumaadka Folkhälsomyndighetens ee ku saabsan isticmaalida af dhowre/af gashi  (boggau waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Soo xiro af dhowre/af gashi

  1. Gacmaha dhaq ama isticmaal dawada jeermiska gacanta disha, sida tusaale ahaan isbiirtada gacanta.

  2. Hubi in af dhowrahu/af gashigu isku dhan yahay oo uu nadiif yahay.

  3. Af dhowre/af gashiga isagoo dhinaca saxda u jeeda kor saar sanka, afka iyo garka. Haddii uu af dhowrahu/af gashigu uu bir leeyahay ayay tahay in taas kor loo jeediyo. Xargaha laastikada waa in lagu soo xiraa dhagaha ama madaxa. Hubso inuu af dhowrahu/af gashigu si adag/aanay waxba soo galeynin ugu xiran yahay oo aanu daldalool jirin.

  4. Ha taaban af dhowraha/af gashiga markaad xiran tahay.

Iska saar af dhowraha/af gashiga

  1. Gacmaha dhaq ama isticmaal dawada jeermiska gacanta disha, sida tusaale ahaan isbiirtada gacanta.

  2. Qabo xariga laastikada oo dhinac dhinac uga wareeji af dhowraha/af gashiga iyadoo aanad taaban af dhowraha/af gashiga intiisa kale.

  3. Ku tuur meesha af dhowraha/af gashiga halka mar la isticmaalo loogu talogalay.

  4. Gacmaha dhaq ama isticmaal dawada jeermiska gacanta disha, sida tusaale ahaan isbiirtada gacanta.

Waxa suuqa yaalla dhowr nooc oo difaacyda/ilaalada af iyo san gashiga ah. Difaaca ilaa hadda la tijaabiyay inay leeyihiin heer difaac oo la xaqiijiyey waa difaaca afka iyo neefsashada. Xeerarka khuseeya alaabahaas kala duduwan ayaa kala duwan. Bogga internedka ee Läkemedelsverkets ayaad ka akhriyi kartaa wax dheeraad ah oo ku saabsan waxa shaqeynaaya.

Af dhowre/af gashiga waxa lagu tiriyaa aaladaha caafimaadka waana inay lahaadaan waxa loo yaqaano summadda tayada ee CE-da (CE-kvalitetsmärkning). Waa inay sidoo kale baakadda la socoto tilmaanta isticmaalidda sheegeysa oo macluumaadku af Iswiidhish ku qoran yahay.

ID115

Af dhowre/af gashi gaadiidka dadweynaha dhexdiisa

Waxay Folkhälsomyndigheten ku talinaysaa in dadka safraayaa ay af dhowre/af gashi hayataan gaadiidka dadweynaha dhexdiisa. Talodu waxay shaqeynayaa laga bilaabo 7 Janaayo 2021 waxayna ku wajahan tahay dadka dhashay 2004 iyo wixii ka horeeyay, waxa loola jeedaa dadka da'da dugsiga sare gaadhay iyo wixii ka weyn.

Dadka ku safraaya gaadiidka dadweynaha halkaas oo aanay suurtogal ahayn in masaafad la isku jirsado iyadoo boos la xajisanaayo, waxaa lagula talinayaa inayaf dhowre/af gashi xirtaan maalmaha shaqada inta u dhaxeysa saacadaha 7-9 iyo 16-18, markaas oo ay caadi ahaan dad badani safraan.

Af dhowraha/af gashiga la xiranaayo marka saxmad/ciriiri badan jiro iyo marka diyaarad lagu safraayo

Waxa jiri kara xaalado kale oo af dhowre/af gashi uu faa'iido yeelan karro, tusaale ahaan meel ay adag tahay in saxmad/ciriiri badan laga fogaado iyo xiriirka dhow oo muddo dheer socoday. Marka aad safrayso ayay tusaale ahaan imaan kartaa dalab/shuruud lagugu qasbaayo inaad af dhowre/af gashi xirnaato, tusaale ahaan garoomada diyaaradaha iyo diyaarada dhexdeeda.