Cudurka Korona ee aafada: Tani ayaa hadda shaqeynaysa

Waxaad halkan ka heleysaa waxyaalaha mamnuuca ah, talooyinka iyo talobixinada hadda shaqeynaysa cudurka aafada ah dartiis oo la soo koobay. Waxaad xitaa sidoo kale helaysaa linkiyada aad macluumaad ka sii faahfaahsan/qotodheer ka helayso. Waxaanu waxyaalaha la soo koobay ka soo dooranay talooyinka iyo talobixinada adiga shakhsi ahaan ku saameynaaya.
Uppdaterades

ID140

Soo gelitaanka Iswiidhan

Mamnuucid soo gelitaanka ayaa saaran safarada aan muhiimka aheyn ee Iswiidhan loogaga imanaayo wadamada Midowga Yurub/EES ka baxsan badankooda. Waxaanay mamnuucidu khuseynin muwaadiniinta Iswiidhishka ah ama muwaadiniinta wadan kale oo Midowga Yurub/EES ka socda iyo sidoo kale muwaadiniinta ka yimid dhowr waddan oo ka reeban. Muwaadiniinta Iswidhishka ah iyo muwaadiniinta wadamada kale ee ka diiwaan gashan Iswiidhan ayaa had iyo jeer leh xuquuqda ay Iswiidhan ugu soo safrayaan.

Wax dheeraad ah ka akhriso bogga Safarada wadanka dibadiisa halkaas oo aad sidoo kale ka heli doonto macluumaad ku saabsan kuwa ay yihiin wadamada laga reebay xayiraadda soo gelitaanka iyo waxyaalaha ee ka reeban kuwa ay yihiin.

TB128

Haddii lagu tallaalay

  • Laba toddobaad ka dib marka dooska labaad la qaato ayaad ka bixi kartaa guriga xitaa haddii qof kale oo qoyska ka mid ahi uu Covid-19 qabo.
  • Laakiin waa in dadka la tallaalay ay sideeda kale raacaan talooyinka aasaasiga ah ee ku saabsan in guriga la joogo haddii la jiran yahay, gacmaha la dhaqo iyo in masaafad la isku jirsado.

Dugsiyada

  • Waxay Hay'ada Caafimaadka Bulshada qiyaaseysaa in waxbarashada iyadoo goobta lookaalada dusgiga dhexdiisa la joogo laga qaato ay shaqeynayso guud ahaan xiliga deyrta 2021 dhexdiisa. Laakiin waxa wali muhiim sii ah inay jiraan tallaabooyin kahortag ah si loogu yareeyo halista faafitaanka cudurka. 

ID143

Haddii aad wadanka dibadiisa soo joogtey

Waxay Hay'ada Caafimaadka Bulshadu soo jeedinaysaa in qofka ka soo safraaya waddan ka baxsan wadamada Waqooyiga Yurub (Norden) uu tijaabada PCR ka iska qaado markuu Iswiidhan yimaado. Waxay taasi khuseysaa xitaa haddii aanad calaamado lahayn Waxaanay talobixintu khuseynin carruurta lix jir ka yar ama dadka tallaalka laba toddobaad hortood wada dhameystay. Waxaanay taasi sidoo kale khuseynin qofka lixdii bilood ee la soo dhaafay uu ku dhacay/qaaday covid-19.

 Wax dheeraad ah ka akhri bogga internetka ee Hay'ada Caafimaadka Bulshada.(boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Dadka soo joogay wadamada ka baxsan Waqooyiga Yurub waa inay sidoo kale taxaddir dheeraad ah oo la macaamilka dadka ah yeeshaan tusaale ahaan inaanay kooxaha khatarta ugu jira la kulmin.

Wax dheeraad ah ka akhri safarada wadanka dibadiisa ah.