Safarrada dibadda

Wasaaradda arrimaha dibaddu waxay iminka dadka kala talineysaa in ay waddamo badan u safraan. Waxaa sidoo kale taagan mamnuucid ku aaddan saffarada Iswiidhan lagu imaanayo ee aan lagama maarmaanka ahayn ee ka imaanaya meelo ka baxsan Yurub. Halkan waxaan isugu ururinnay macluumaadka hey’adaha dowladda ee ku aadan safarrada dibadda.
Uppdaterades

ID120

Shuruud ah tijaabo negatif ah/inaan la qabin covid-19 oo laga rabo dadka ajaanibka ah.

Muwaadiniinta ajaanibka ah ee 18 sanno jirka ah ama ka weyn waa inay warqad shahaado ah oo natiijo tijaabo muujinaysa inaan la qabin/negatif ah covid-19 tusaan si ay Iswiidhan ugu soo safraaan. Waxa hase yeeshee, jira waxyaabo shuruuda tijaabada ka reeban, (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish) tusaale ahaan muwaadiniinta ajnabiga ah ee Iswiidhan ka diiwaangashan, ama Iswiidhan degan ee haysta sharci deggenaasho ah oo shaqeynaaya, xuquuqda degganaanshaha ama meeqaamka degganaanshaha ah haysta. 

Waa inay ugu badnaan 48 saacadood ka soo wareegeen inta u dhaxaysa marka tijaabada lagaa qaaday iyo marka xadka laga gudbaayo. Dadka shaqada maalinkasta ugu safra iyo dadka xadka ka shaqeeya waa inay tusi karaan tijaabo ugu badnaan hal todobaad ah. Waxay xeerarka cusubi kaabayaan xayiraadii soo gelitaanka ee hore ugu jirtay. 

Tijaabooyinka noocan ah ayaa la ogol yahay: Tjaabada Antigen-ka, tijaabada PCR-ka, tijaabada LAMP-ga iyo tijaabada TMA-da.

Macluumaadkaasi waa inuu warqada shahaado ah ku qoran yihiin si ay qaar ansaxsan/shaqeynaaya ugu noqdaan:

  • Magaca qofka tijaabada laga qaadey
  • Xiliga tijaabada la qaaday
  • Nooca tijaabada la qaaday haddii ay tahay tijaabada Antigen-ka, tijaabada PCR-ka, tijaabada LAMP-ga iyo tijaabada TMA-da.
  • Natiijada tijaabada
  • Cidda warqada shahaadada ah bixisay

Waa inuu macluumaadku ku dhigan yahay af Iswiidhish, Ingiriisi, Norwiiji ama Deenish.

Macluumaadka Folkhälsomyndighetens ee ku saabsan shuruuda tijaabada (boggu waxa uu ku qoran yahay Iswiidhish)

ID14

Soo galitaan Midowga Yurub oo laga mamnuucay wadamada ka baxsan

Xayiraada ayaa saaran safarada aan muhiimka aheyn ee Iswiidhan loogaga imanaayo wadamada ka baxsan Midowga Yurub. Waxay mamnuucidu shaqeynaysaa ilaa 31 Maayo 2021.

Muwaadiniinta Iswiidhishka ah iyo muwaadiniinta dalalka kale oo Midowga Yurub/EES ayaanay khuseynin mamnuucida soo gelitaanku. Muwaadiniinta ka soo jeeda waddan kale ee Midowga Yurub/EES-ta ahi waa inay tusaan tijaabo cadeynaysa inaan covid-19 la qabin oo ugu badanaan 48 saacadood jir ah. Waxa muwaadiniinta Iswiidhishka ah lagula talinayaa inay marka wadanka dibadiisa soo joogeen ka dib ay istijaabiyaan.

Macluumaadka Booliiska ee ku saabsan xayiraada soo gelitaanka iyo waxyaabaha ka reeban (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Su'aalaha iyo jawaabaha Wasaaradda Caddaaladda ee ku saabsan mamnuucida soo gelitaanka ee Midowga Yurub iyo Iswidhan (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Baaritaanka/kantaroolka xadka Iswiidhishka ah ayaa go'aaminaaya sida ka reebanaanta loo turjumaayo iyo noocyada go'aamada la gaaraayo, laakiin waa masuuliyada qofka musaafirka ah inay baaritaanka xadka u cadeeyaan xaqa ay u leeyihiin ka reebanaanta. Waxa sidaas darteed loogu baahan yahay in tusaale ahaan la tusi karo cadeyn shaqo ama warqad laga soo qaatay diiwaanka qaranka. 

Ka imaanshaha wadamada Yurub gudaheeda 

Qofka Iswiidhan uga soo safraaya waddamada kale ee ka tirsan EES-ta ayaa loo oggolaanayaa inuu soo galo haddii uu tusi karo tijaabada covid-19 oo muujineysa inaan la qabin taas oo 48 saacadood jir ah. Waxa boqortooyada Ingiriiska markaas khuseeya xayiraadda guud ee saaran soo galitaanka waddamada ka baxsan Midowga Yurub/EES.

Haddii aad waddanka dibadiisa joogtey

Waxa wadamo badan ka jira noocyo cusub oo fayruska covid-19 keena. Sidaas darteed ayay Folkhälsomyndigheten ugu soo jeedinaysaa in dhamaan dadka u soo safray Iswiidhan, iyadoo aan loo eegeynin jinsiyadooda, ay markay soo galaan tijaabo iska qaadaan oo ay  toddobada maalmood xiriirada dadka ka fogaadaan. Shan maalmood ka dib marka wadanka dibadiisa laga yimaado waa inay musaafiriintu tijaabo labaad iska qaadaan. Waxay taasi khuseysaa iyadoon aan loo eegin haddi laga mid yahay dadka ay saaran tahay shuruudaha ah in la soo bandhigto tijaabo inaan covid-19 la qabin ka hor intaan la soo gelin iyo haddii kaleba.

  • guriga joogto ugu yaraan toddoba maalmood.
  • iska ilaaliso inaad la xiriiro dadka kale ilaa iyo inta la kari karro.
  • iskugu tijaabi sida ugu dhakhsaha badan ee ka dib markaad Iswiidhan timaado iyadoo aad tijaabo xigta iska qaadayso shan maalmood ka dib.

Talobixinta Folkhälsomyndigheten ee loo soo jeedinaayo qofka Iswiidhan wadanka dibadiisa uga soo safraaya  (Boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

Folkhälsomyndigheten iyo waxyaabaga ku saabsan nooca cusub ee fayruska (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

1177 iyo waxyaalaha tijaabo qaadista ku saabsan  (boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish)

ID15

Dalalka aan socdaal ku tegi karo waa kuwee?

Wasaaradda arrimaha dibedda waxey bisha maarso 2020 billowday in ey dadka uga digto safarrada aan lagama maarmaanka aheyn ee waddamada adduunka ku yaal oo dhan. safarro aan lagama maarmaan aheyn waxaa loola jeedaa safarrada bbooqashada iyo dalxiiska. Wasaaradda arrimaha dibedda waxey marar badan dheereysay isla markaana bedeshay ka digidda safrid.  

Waxay wasaarada arimaha dibadu ay laga soo bilaabo 24 Janaayo dadka kala talineysaa safarada aan muhiimka aheyn ee Norway lagu tagaayo Go'aanku waxa uu shaqeynayaa ilaa iyo inta ogeysiis dambe laga soo saaraayo. Sideeda kale ayaanay jirin wax kala talin kale ah oo khusaeya wadamada Midowga Yurub, EEA iyo Schengen.

In dadka lagala taliyo booqashooyinka iyo safarada dalxiiska ee wadamada ka baxsan Midowga Yurub, EEA da iyo aagga Schengen ayaa shaqeynaysa ilaa iyo 15 Abriil 2021.

Sababta keentay in wasaaradda arrimaha dibaddu ay dadka kala taliso waddamadaas waa faafitaanka feyruska cusub ee corona iyo kalsooni darro ku aaddan safarrada dibadda ah.

Wasaaradda arrimaha dibaddu waxay furtay khad cusub oo ku aaddan feyruska corona iyo musaafiriinta: 08-405 92 00. Xaaladaha ad-adag ee degdegga ah ee khuseeya arrimaha qunsuliyadaha waxaa sidi caadiga ahayd lagala soo xiriiri karaa heeganka arrimaha ad-adag ee Wasaaradda arrimaha dibadda: 08-405 50 05. Labada nambarba waxaa looga jawaabayaa af-Iswiidhish ama af-ingiriis. Ha ku caawiso qof qaraabo ama saaxiib ah haddii aad u baahantihid in aad nala soo xiriirtid laakin aadna ku hadli karin af-Iswiidhish ama af-Ingiriis.

Haddii aad safar tikid u goosatay ama aad qorsheyneysid in aad safartid oo aad wax is wediineysid, macluumaad ka ag raadso shirkadda tikidka iibisa ee ku khuseysa ama abaabulayaasha safarka. Su’aalaha ku saabsan ceymiska qofka, kala xiriir shirkadda ceymiska ee ku khuseysa.

In lagu talinao in aan la gelin safaro aan loo baahnayn oo lagu tago dalal kale maaha ku baraarujin guud oo ah in dib loogu soo noqdo Iswiidhan.  Waxaa tusaale ahaan arinta ugu fiican ahaan karta in aan la safrin gebi ahaanba wakhtiyada soo socda.  Iyadoo laga fikirayo xaaladahan gaarka ah waxaa khasab ah in adigaaga safraya aad aqbasho heer ah wax ogaansho la’aan.  Dib u eeg xaaladaada gaarka ah, la xiriir kuwa mas’uulka ka ah safarkaaga ama shirkadaada diyaarada, raac tilmaamaha iyo talooyinka hey’addaha dawladeed ee maxaliga ah oo qaado macluumaadka safarka ee Wasaarada Arimaha Dibedda.

ID80

Si joogto ah uga war hay xaaladaha meesha aad u safreysid

Xaaladuhu ma sugna Yurub gudeheeda sidii ay horay u ahaydba. Ka musaafir ahaan waa in aad si fiican uga fikirtid safarkaaga, si fiican xaaladaha ula soco, raacna talooyinka iyo tilmaamooyinka hey’adaha maxalliga ah ee goobta ku sugan. Maaha in aad safartid haddii aad leedihid calaamado cudur. Waxyaabo reebban iyo xeerar maxalli ah ayaa jiri kara, si degdeg ahna wey isu beddeli karaan. Waxaa tusaale ahaan jiri kara shuruudo ku aaddan in afka la duubto iyo xeerar ku aaddan in masaafo bulshadu isu jir-jirsato.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ama hey’adaha dowladda ee dibaddu kuguma caawin karaan in Iswiidhan laguu soo qaado haddii ay kugu adkaato in aad waddanka u soo laabatid xaaladda iminka taaga awgeed. Sidaas darteed xiriir la lahaw shirkaddaada tikidhada, iskana eeg ceymiskaaga badbaadada.

Adigoo adeegsanaya app-ka UD Resklar waxaad macluumaad markaas taagan af-Iswiidhish uga heli kartaa meesha uu safarkaagu ku socotid. Safaaraduhu xitaa macluumaad markaas taagan ayey ku hayaan Sweden Abroad.

ID16

Maxay yihiin sharciyada waddamada kale khuseeya?


Waddammada qaar waxay u baahanyihiin caddeyn ku aaddan in aadan qabin covid-19 si aad waddankooda u gashid. Waddamo kale waxay u baahanyihiin caddeyn si muwaadiniintoodu ay ugu guryo noqon karaan iyagoon u baahan in karantiil la geliyo. Waxay wadamada kala duwani dalbanayaan shahaadooyin kala duwan, waa inaad sidaas darteed ka war haysaa waxa aad u safrayso khuseeya.

In shahaadada safarka la bixiyo ayaan kamid ahayn shaqada caadiga ah ee daryeelka caafimaadka. Hase yeeshee waxa jira goobo caafimaad oo bixinaya baaritaanno loogu talogalay shahaadooyinka safarka.